War-Saxaafadeed:- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Ban Ki-moon oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea.

???????Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida. (SAWIRO) Continue reading

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maanta Xafiiska ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Gelle iyo G. B. JawaariMadaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.oo maanta Xafiiska ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigii uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku joogeen dalka Jabuuti. Continue reading

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Switzerland oo ka wada hadlay sidii Soomaalida loo fahamsiin lahaa nidaamka Federaalka.

???????????????????????????????Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Burci Maxamed Xamza ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Domanic Landegenbacher , oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay qeyb ka aheyd xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey xafladda xuska 26-ka Juun.

10369231_10203863451405376_1945044460733980204_nMuqdisho. 26 Juun 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xurroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanakeenna Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE Continue reading

%d bloggers like this: