Taliska Ciidamada Xoogga oo Beeniyay in Xilka laga Qaaday Taliyaha iyo War-saaafadeed.

IMG_3530War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu beeniyay warar ay warbaahinta Soomaalida qaarkeed qoreen ayna shacabka Muqdisho isla dhex-marayeen maanta kaasoo ku saabsanaa in xilalka laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulaha.

Agaasimaha warfaafinta ee taliska ciidanka xoogga dalka, C/llaahi Iimaan Ceynte oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ay ka been ah oo aan jirin, isagoo sheegay inaysan jirin xilal laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga iyo abaanduulaha.

“Wararkaas waa kuwa aan sal iyo raad midna lahayn, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulaha shaqadooda si caadi ah ayay u wataan, waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa in xaqiiqda ay tahay in wax isbedel ah oo taliska lagu sameeyay uusan jirin,” ayuu yiri agaasimaha warbaahinta ee ciidanka xoogga.

Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa qoray maanta in xilalka laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka, waxaana warbaahintaas ka mid ah Hiiraan, SomaliSwiss, & kuwa kaloo badan isla markaana iyagu goor dambe saxay warkaasi; waxaana dhankeenna ka bixinaynaa raalli-gelin buuxda.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayeen in madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabi doono xilalkan dhawaan saraakiil kale oo ciidamada xoogga ka tirsan, waxaana warkan uu ahaa mid si weyn looga hadal-hayay magaalada Muqdisho.

Xafiiska madaxweynaha Somalia oo ay lala xiriiray ayaa sheegay in xilligan uusan jirin wax isbedel ah oo lagu sameeyay taliska ciidamada xoogga dalka, warkaasna uu yahay mid been ah oo suuqa la geliyay.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa ah Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) halka uu abaanduulaha ka yahay Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, iyagoo xilkaan uu sannad ka hor u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

%d bloggers like this: