Madaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in dadka wada dagaal Beeleedyada ay fursad siinayaan Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweyne Hassan Sh MohamudMadaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo kahadlay dagaal beeleedyada kasocda qaar kamid ah gobollada dalka gaar ahaan deegaano katirsan gobollada Sh/Hoose ,Galguduud, Jubada Hoose iyo Sh/Dhexe ayaa sheegay inay ka faa’iideysanayaan kooxaha Argagaxisada gaar ahaan maleeshiyada Al-Shabaab isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka hurinaya dagaaladaasi ay u daneynayaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda maadaama xiligan la wiiqay awoodoodii iyagoo daneynaya in dagaaladaasi sii socdaan si ay dib isugu abaabulaan islamarkaana uga faa’iideystaan hubka sharci darada ah ee gacanta ugalaya.

Madaxweynaha ayaa xusuusiyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka deegaanadaasi sida aan marnaba horumar loogu gaareyn dhiig la daadiyo iyo in qabiil qabiil la isku dilo, isagoo u sheegay in cidii wax tabaneysa looga baahanyahay inay miiska wadahadalka soo fariistaan si loosoo afjaro khilafaadka dhiigu ku daadanayo ee dhacaya,

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalkaa wuxuu yiri: “Soomaaliya mudo kabadan 24 sanadood ayey kujirtay dagaal iyo isdil majirto qabiil ku guuleystay dagaaladaasi marka laga reebo in dalka dowladnimadiisii la dhaawaco lana burburiyo kaabayaashii dhaqaalaha, Ciidamadii Qaranka iyo xarumaha dowladda hadana ma jirto cid xoog wax ku xalin karta ” .

Gabagabadii Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa balalan qaaday in dowladda federaalku diyaar u tahay inay cid weliba oo xuquuq ka maqan tahay ay u raadinayso si loo baajiyo dagaal dhex mara dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: