Sheikh Axmed Falastin oo Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich oo shalay galab ka jeediyey Muxaadaro Diini ah oo dhinacyo badan taabanayso.

Muxaadaro1.jpg6Waxaa shalay galab oo Axadda ahayd taariikhduna ku beegneyd 22.06.2014, ka dhacay Masjidka Turkiga ee Magaalada Zürich Muxaadaro Diini ah oo dhinacyo badan taabanaysa loogu hadlay, Muxaadaradaas qaybteeda Koowaad oo cinwaakeedu ahaa IQRA iyo sidoo kale qaybta labaad loogu hadlay Fadliga Ramadaanka Kariim ah.

Muxaadaro1.jpg4Muxaaradan oo bixinayey Sheikh Axmed Falastin oo ah Imaamka Masjidka Bern, Sheikhu wuxuu Muxaaradiisa ku billaabay Suurada IQRA, taasoo uu ujeedadiisu ahayd in Muslamiinta Soomaalida ahayd ee Masjidkaas isugu yimid uu sheego in Suurada IQRA ay u soo degtay Nabigeena Suubanaa (CSW), laguna amray inuu akhriyo, balse Nabigeena uu fuliyey Amarkaas, isagoon aqoon u lahayn Akhris iyo Qoristaba.

Sheikh Axmed Falastiin ayaa ku guubaabiyey dadkii ka soo qayb-galay Muxaaradaas inay ku dadaalaan Akhriska Quraan Kariimka si ay u fahmaan Xikmada ku jirta Quraanka, wuxuuna yiri: “Haddii wax Akhriska la badiyo, wax badan ayaa la fahmayaa“.

Muxaadaro1.jpg5Sidoo kale Sheikh Axmed Falastin, wuxuu kaloo si cad ugu hadlay Ixsaan loo sameeyo Labada Waalid, lagana warqabo Xaaladdooda, haddii ay dhinteenna loo Duceeyo, Sadaqana loo bixiyo.

Wuxuu kaloo Sheikhu ka hadlay Fadliga Ramadaanka, wuxuuna sheegay in bisha Ramadaan irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda Muslimka ah dhibi jirtay la xir-xirayo, Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (C S.W.) wuxuu yiri: “Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha Naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)“. Bukhaari iyo Muslim.

Muxaadaro3Si kasta ha ahaatee Sheikh Falastiin wuxuu Soomaalida kula dardaarmay inay qabsadaan xariga Ilaahay ayna ka adkaadaan hayi raaca naftooda, kuna dadaalaan Salaada oo Waqtigeeda la tukto, taasoo qofka Muslimka ka ilaalinayso Xumaha Sheydaanka la rabo.

Masjidka Al Nuur.jpg3Dhanka kale maalintii Sabtida ahayd waxaa sidaas si la mid ah Masjidka Al Nuur lagu qabtay Muxaadaro loogu hadlayey Waajibaadka iyo Fadliga Bisha Ramadaanka, waxaana kulankaas Muxaarada ka bixinayey Sheikh Mustaf, Sheikh Axmed Duuri iyo Sheikh Macalim Nuur , waxaana ka soo qayb-galay Soomaali badan oo isugu jiro rag iyo Haween,

Kulankii Muxaarada ee ka dhacday Masjidka Al-Nuur Maalintii Sabtida ahayd waxaaWadaada lagu weydiyo Su’aalo la xiriira Waajibaadka Soonka iyo waxa burinaayo.

Ugu danbeyntii waxaa Kulankii shalay ee kheyrka badanaa ee ka dhacay Masjidka Turkiga ku dhamaatay si wanaagsan, halkaas oo laga soo jeediyey ducooyin loo ducaynayo guud ahaan Muslamiint, gaar ahaan Soomaalida meelkastoo ay joogaan.

Masjidka al Nuur1SomaliSwiss          Zürich
Somaliswiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: