Madaxweynaha Oo Ku Boorriyay Ummadda inay Ka faa’iideystaan Bisha Ramadan

Madaxweeyne Hasan1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed faray in ay isu gargaaraan kana faa’iideystaan fadliga bisha barakeysan ee Ramadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed bisha Ramadan ee foodda inagu soo heysa, isagoo ku boorriyay iney u diyaargaroobaan ka faa’iideysiga bisha barakeysan ee Ramadan, Allana ay dambi dhaaf weydiistaan.

“’Dadka Soomaaliyeedna waxaan leenahay bisha Ramadan ee barakeysan ha leysu naxariisto, haleysu gargaaro walaalkaaga iyo walaashaada sooman afuri, ogow dadka kuu dhow iney afurayaan iyo inkale hubi iney heystaan waxeey ku afuraan, markaad adigu heysato” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyada mudane Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay ummadda Soomaaliyeed iney is cafiyaan Allana ay dambi dhaaf weydiistaan, isuna naxariistaan si looga baxo dhibaatada ka jirta dalkeenna.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSWiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: