Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Hay’adda ICAO.

W. Gaadiidka iyo Duulista.jpg1Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa safar shaqo ku tagay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka iyo saadaasha hawada oo marla magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICAO),oo fadhigeedu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada.

W. Gaadiidka iyo Duulista

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta ICAO,oo ay ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa maamulka hawada Soomaaliya,oo aysan jirin sabab ilaa hadda dalka dibadiisa looga maamulo hawada Soomaaliya.

Mudane Saciid Jaamac Cali u waramay Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in Soomaaliya ay hawdeeda maamulan karto,wixii tababar xagga farsamada ahna ay hay’ada ICAO, ka caawinta karto, isagoo xusay in Soomaaliya,ay rajo fiican ka qabto sidii lagu soo afjari lahaa arrinta maamulka hawada Soomaaliya, ayna la wareegi doonaan maamulidda hawada Soomaaliya oo aysan jiri doonin in markale laga maamulo meelo ka baxsan dalka.

W. Gaadiidka iyo Duulista.jpg2SomaliSwiss       Montreal
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: