Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo nagaalada Nairobi kula kulmay William Ruttu.

Ra'iisal-waasaraha Soomaaliya & M. Ku.xigeenka KenyaRa’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya soo gaaray maalintii shalay aheyd, ayaa maanta kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruttu.

Kulanka Waxaa ku sugnaa wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda, wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya iyo masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga dhanka ammaanka ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu si weyn u soo dhaweeyey taageerada dowladda Kenya ay uga mid tahay Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya ka howl-gala.

Kulanka oo aad u dheeraa kaddib markii uu soo dhammaaday ayaa waxaa wadajir Saxaafadda ula hadlaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutta, Madaxweyne kuu xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labada dal oo wadaagga Amniga iyo isku xerka dhanka Ganacsiga, taas oo uu sheegay in ay jiraan kooxaha ka soo horjeeda sidii loo sii wadi lahaa, hasa yeeshee waxa uu carrabka ku adkeeyey in marnaba aan laga gaabin doonin sidii Soomaaliya iyo Kenya wadajir wax ugu qabsan lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo Dhaqaalaha.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa isagana sheegay in sii socoshada iskaashiga uu sheegay Mr Rutta in ay tahay mid muhiim u ah gobolka oo dhan, waxa uu intaa raaciyey in la dagaallanka argagixisada oo ah midda ugu weyn ee dadaalka loogu jiro, Kenya-na ay ka tahay qeyb muhiim ah, waxa uu uga mahadceliyey ciidammadooda AMISOM sida amniga Soomaaliya ay uga qeyb qaadanayaan, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in soo gabagabeeyo nabad diidka, si wadamada Dariska ah Soomaaliya nabad kula noolaadaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa isla maanta la kulmay masuuliyiin ka socotay hey’adaha Q.M ee dhanka gargaarka, waxa uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira degaanno ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ee ku sugan maalintii labaad magaalada Nairobi, ayaa maalinta berrito ah ka qeyb geli doona shir ballaan oo looga hadlayo xaaladaha bini’aadannimo ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeey Q,M iyo Midowga Yurub.

SomaliSwiss           Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: