Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay lacag lagu Horumarinayo Xoolaha.

Eu & Au.jpg1Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa si wada jir ah xariga uga jaray mashruuc cusub oo maalayin dollar ay ku baxayso, kaasoo lagu hor-marinayo caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo waliba in fursado gaar ah loo abuuro 250,000 oo xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah.

“Muhiimaddu waa dar-dar galinta caafimaadkooda si loo helo tayo sare oo suurta-galinaysa in loo dhoofin karo dalalka dibadda,“ ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Midowga Afrika u qaabilsan xoolaha iyo beeraha ,waxaana mashruucaan u dhaxal-gal u yahay ganacsiga Soomaaliya.

“Waxaa Midowga Yurub oo Somaliya ka soo taageerayay dhinaca xoolaha muddo sannado ah,“ ayuu yiri ergayga gaarka ah Midowga Yurub u qaabilsan Somalia danjire Michele Cervone d’Urso ,isagoo xusay in 65% ay xooluhu kaga jiraan shaqo abuurka dalka .

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii ay u sii xoojin lahaayeen taageerada ay siinayaan Soomaaliya oo dhinacyo badan isugu jirta ,isagoo ugu baaqay xoola dhaqatada in mashruucan ay si wada jira ah uga faa’idaystaan.

Waxaa mashruucan xiriirinaya hay’adda xoolaha iyo beeraha Midowga Afrika ee (AU-IBAR) ,iyaga oo iskaashi la samayn doona ururada xoolaha ku shaqada leh ee ka howl-gala guud ahaan dalka gaar ahaan dallad ay ku midaysanyihiin ururadaas oo lagu magacaabo COOPI.

Ugu danbayntii Midowga Yurub ayaa horey Puntland uga hirgaliyay mashaariic lagu hormarinayo xirfadaha dadka kulmaysatada ah, waxaana loo sameeyay kaarar aqoonsi si aan loogu khaldin kooxaha burcad badeedda ah ee inta badan qafaasha Maraakiibta gooshaysa xeebaha la dariska ah Soomaaliya .

SomaliSwiss      Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: