Gudiga cusub ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta hortagaya Baarlamaanka .

???????????????????????????????Guddigii dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ee dib u eegista dastuurka iyo qabo-tirkiisa ayaa maanta lagu wadaa inay hortagaan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga doodayo qorshahooda.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xidlhibaannadu ay ka doodi doonaan qorshaha guddigan oo dhawaan la siiyay, ayna doodda kaddib dhici doonto in codka loo qaado.

Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo afar ka mid ah ay rag yihiin halka qof kalena ay dumar tahay, waxaana guddigan ay horay xilal kala duwan uga soo qabteen dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray iyo maamulka Puntland.

“Toddobaadkan horraantiisii ayaa qoraalka guddigan ee xukuumadda ay soo gud-bisay loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka si ay u soo akhristaan, waxaana lagu ballansanaa maanta oo Arbaco ah laga doodo arrintooda codkana loo qaado,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar.

Xubnahan guddigan madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa waxay kala yihiin: Caasho Geelle Diiriye, Prof. Xasan Cumar Mahad-Allaha, Cismaan Jaamac Cali (Kalluun), Avv. Maxamed Cabdalla Saalax iyo Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Codeynta xildhibaannada ayay ku xiran tahay in guddigan ay howshooda billaabaan iyo in dib loogu celiyo xukuumadda si mar kale loosoo magacaabo guddi dastuurka dib u eega.

Mas’uuliiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an taha inay dalka gaarsiinayaan doorasho sannadka 2016-ka oo ay ku eg-tahay xilliga ay howsha wadayso xukuumadda hadda jirta.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: