Malleeshiyaad Hubeysan oo xalay 48 qofood ku dilay Deegaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya.

Kenya.jpg1Kooxo hubeeysan oo la rumeysanyahay in ay ka tirsan yihiin malleeshiyaadka Shabaab ayaa xalay weeraray deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in malleeshiyaadkaasi ay weerareen Hoteello iyo Saldhigyo ciidan, iyagoo dab qabadsiiyay goobo ganacsi iyo Hotello ku yaala deegaanka Mpeketoni, .

Madaxa xiriirka ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa saakay warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada 48 qof.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay gaarayeen 50 qof, kuwaasoo qaraxyo la eegtay weerarayna laba hotel , saldhig boolis, maqaayado, bangi iyo goobo kale.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya ayaa xusay in kooxda ay deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ku tageen bas iyagoo iska dhigaya dad rakaab ah, ilaa iyo haddana aanan jirin cid loo xiray dhacdada.

Dhanka kale David Kimaiyo ayaa hoosta ka xariiqay in dhimashadu ay intaas ka badan karto, isagoo xaqiijiyay in hadda ay ururiyeen meydadka ilaa 47 qofood oo ku geeriyootay weerarkaasi

Taliyaha booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan ciddi ka dambeysay weerarkan, iyadoo halkaasi la geeyay ciidamo farabadan oo Booliis ah, kuwaas oo adkeeyay amaanka deegaankaasi.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi inkastoo dad badan ay rumeysan yihiin iney ka dambeeyam maleeshiyaadka Shabaab oo iyagu ku caanbaxay xasuuqa dad an waxba galabsan.

SomaliSwiss         Mombasa
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: