Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka hadleysa marxadda dalka iyo qoorshaha la higsanayo ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne-xasan iyo JawaariKulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta yeeshee ayaa waxaa tegey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana shir guddoominayay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo uu goob joog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana soo xaadirtay 161 mudane.

???????????????????????????????

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor jeediyay khubad uu kaga hadlayay xaaladda uu dalku marayo ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in Baarlamaanka uu horyimaado, xili ay soo dhawyihiin Maalmaha xoriyadda dalka iyo laba sano guuradii ka soo wareegtay markii dowladda hadda jirta ay xilka qabatay.

Madaxweynaha ayaa xaaladda dalka uu marayo ku soo koobay labo muuqaal oo uu midda koowaad ku sheegay inay soo koobmeyso khilaafaadka Madaxda dowladda dhexdooda, islamarkaana ay soo xoogeysanayso midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in dadka Soomaaliyeed guud ahaan ay hal aragti iyo mowqif, kawada qaateen nabad diidka.

Madaxweynaha dalka oo hadalkiisa siiwata waxa uu ka hadlay isbadalka dib u dhiska dalka hadda ka jira oo uu ku tilmaamay in badankood ay Soomaalida leeyihiin, dhanka caalamkuna uu kaalin yar ku leeyahay.

Muuqaalka Labaad ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu yahay in dalka uu ku jiro dalalka ugu hooseeyo ammaanka dalalka caalamka, taasina ay tahay in la iloobo xumaantii la soo maray, si loo gaaro horumarka hadda la hiigsanayo, waxaana uu Madaxweynuhu caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in dalka la gaarsiiyo sanadka 2016-ka marxalad la isku dooran karo.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay eedeyn iyo soo jeedin dhawaan uga timid xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, waxaana uu xusay in soo jeedintaasi uu u arkayo cabsi ay ka qabaan Xildhibaannadu in la gaari waayo sanadka 2016-ka himilada la hiigsanayo, isagoo mas’uuliyadda eedeynta ay xildhibaannadu u soo jeediyeen ku yiri “Waa aan qaatay”

Madaxweynaha ayaa xusay in si buuxdo uu ugu kalsoonyahay Golaha Wasiirada ee hadda shaqeeya, ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli, waxaana mar uu ka hadlayay howlaha Baarlamaanka uu tilmaamay in wal walka shacabka ay xilliyada qaar ay ka qabaan shaqooyinka Baarlamaanka iyo qaabka ay u socdaan, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in wax laga badalo, gaar ahaan xilliyada ay jiraan doodaha mooshinada in kalfadhiyada Baarlamaanku uu soo buuxsamo, halka marka ay shirarka caadiga ah galayaana aanu kooramka buuxsamin, taasi oo uu ku sheegay in tahay dhaliil jirto.

Xildhibaannadu ayuu uga digay Madaxweynuhu dhaliilaha dhanka warbaahinta la isu mariyo in qaarkood aysan ahayn kuwa wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa mudanayaasha ku booriyay inay mudnaanta siiyaan Xildhibaannadu howlaha Baarlamaanka horyaalla, gaar ahaan kuwa saameynta ku leh in la gaaro sanadka 2016-ka yoolka la hiigsanayo.

Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xariiqay in maanta la haysto fursad wanaagsan, taasina ay tahay in laga faa’iideysto, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in la helo deganaanshiyo siyaasadeed, isagoo tilmaamay in haddii aan la helin deganaashiyo siyaasadeed in ay adkaan karto deganaanshiyaha dhanka amniga ah, maadaama lagu wada mashquulayo siyaasadda oo la wada dejiyo.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo gunaanuday dhibaatada ay leedahay cabsi gelin, isagoo tusaale u soo qaatay in Shabaabku ay bulshada ku cabsi geliyaan dil, halka Baarlamaanku uu ku cabsi geliyo mooshin.

Waa khudbadii lixaaad uu Baarlamaanka ka hor jeediyo Madaxweynaha tan iyo markii uu sida rasmi ah u furay kalfadhigan afaraad, iyadoo kulankii maanta uu kaga duwanaa kulamadii kale in ajanduhu uu ku koobnaa oo kaliya, hadal jeedinta Madaxweynaha oo quseysay xaaladda uu dalku marayo.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ku booriyay Xildhibaanada in la muujiyo si isku duubni ah, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee sanadka 2016-ka

SomaliSwiss  Muqdisho (SNTV)
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: