Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka hadleysa marxadda dalka iyo qoorshaha la higsanayo ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne-xasan iyo JawaariKulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta yeeshee ayaa waxaa tegey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana shir guddoominayay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo uu goob joog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana soo xaadirtay 161 mudane.
Continue reading

Dowladda Soomaaliya oo ciidammo isugu jira booliis iyo nabadsugid geystay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

ciidamada XDSDowladda Soomaaliya ayaa ciidammo isugu jira booliis iyo nabadsugid geystay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaa oo toddobaadkii hore ay ku dagaalameen malleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda.
Continue reading

Malleeshiyaad Hubeysan oo xalay 48 qofood ku dilay Deegaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya.

Kenya.jpg1Kooxo hubeeysan oo la rumeysanyahay in ay ka tirsan yihiin malleeshiyaadka Shabaab ayaa xalay weeraray deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan magaalada Lamu ee dalka Kenya.
Continue reading

%d bloggers like this: