Xildhibaan beeleedyada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku Kulmaya Muqdisho

xildhibaanada baarlamaankaXildhibaan beeleedyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay uga hadli doonaan ajandeyaal dhowr ah ku yeelanaya xarunta golaha Shacbka ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux o o ka mid ah habdhowrka golaha shacbiga ayaa Warbaahintau sheegay in golaha la horkeeni doono macluumaad (CV) la xiriirta xubnaha guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka ee ay dhawaan ansixisay xukuumaddu.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa u codeyn doona qodobadii xeer-hoosaadka baarlamaanka ka tirsanaa ee uu goluhu horay uga dooday oo wax laga bedelay.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: