Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay hayaan Askar ka goostay Dowladda ee isa soo dhiibeen.

Al-Shabaab1Warar ay shaacisay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isku soo dhiibeen, kuwo kalen oo badanna ay ku jiraan dhulka hoodka ah ama duur ka ah, kuwaasoo ay u direen odayaal si ay u keenaan magaalooyinka aan ka talino.

Madaxa Xarakada Al-shabaab ee gobolka Gedo, Sh. C/raxmaan Sayid ayaa xusay in askarta kasoo goosta dowladda Soomaaliya aysan ku qasbin inay xoogagooda ka mid noqdaan, balse ay qiyaar u siiyaan inay go’aankii ay rabaan ay qaataan.

Sidoo kale, Sh. C/raxmaan Sayid ayaa ayaa sheegay in askari walba oo dowladda Soomaaliya kasoo goosta ay soo dhaweynayaan, isagoo sheegay in ciidamada kale ee dalka ku sugan uu ka dhexeeyo dagaal.

Sheekhu oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Markii askarigu uu noo yimaado laba maalmood ayaan diinta barnaa, si wanaagsan ayaana ula dhaqannaa. Haddii uu qori wato ma dhahno qoriga keen ee lacag ayaan ugu bedelnaa, mana xoogno sida ay sameyso dowladda”.

Ha yeeshee ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan askarta ay sheegtay Al-shabaab inay kasoo goosteen dowladda Soomaaliya oo ay dhankooda ku biireen, iyadoo Al-shabaab ay weli ka taliso deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla.

Dhanka kale, arrintan ayaa waxay noqonaysaa mid ay xarakada Al-shabaab ku doonayso inay dhiirri-gelin u noqoto askarta dowladda ee doonaya inay goostaan, iyadoo kooxdu ay horay u sheegeen inay deegaannada ay ka taliyaan soo gaareen askar badan oo dowladda ka goostay.

SomaliSwiss      Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: