Lacagta Shillin Soomaaliga ah oo ku caan baxay “KUNAA U WEYN, KUNAA U YAR“ oo la soo daabacayo.

Wasiirka Maaliyada  Xuseen Cabdi XalaneWasiirka maaliyadda Somalia, Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay inay dhawaan soo sameynayaan lacag cusub oo shillin Soomaali ah, si wax looga qabto burburka ku socda shillinkii Soomaaliga.

Mudane Xalane ayaa sheegay inay ka fikirayaan inay lacagta shillin Soomaaliga ah ee horay u jirtay oo horay ugu magacaabay Abwaan Maki Xaaji Banaadir „Buur Fuule“ ay dowladda soo daabacaan iyo inay soo daabacaan lacag kale oo cusub oo aadna uga badan, taasoo uu sheegay inay muddo dheer qaadanayso.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in wasaaraddiisu ay diyaarisay qorshaha sameynta lacagta shillinka ah ayna horgeysay golaha wasiirrada, taasoo lagu wado in goluhu uu go’aan ka gaarno, markaas kaddibna lagu dhaqaaqo fulinta go’aankaas.

Wasiirku oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Dadka dan-yarta ah ee Soomaaliyeed dhibaato ayay ku qabaa isticmaalka shillinka Soomaaliga, maadaama wax walba ay noqdeen doollaraaysed oo doollar uuna lagu kala iibsanayo wax walba, waxaana doonaynaa inaan dhaqankaas bedelno”.

Mudane Xalane ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta uu kala hadlay sidii la yeeli lahaa lacagta Soomaaliga, isagoo xusay inay u sheegeen in arrintaas ay waqti qaadanayso in go’aan laga gaaro, inta ka horeysana laga doodo arrintan.

Si kastaba ha ahaatee arrinta ayaa kusoo beegmaysa xilli qiimaha shillin Soomaaliga uu aad hoos ugu dhacay, iyadoo ay noqotay in xitaa gaadiidka lagu raaco doollar, waxaana bur-burka ku dhacay shillin Soomaaliga uu qayb ka yahay burburkii oo dhan saameynta ku yeeshay intii ay socdeen dagaallada sokeeye.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: