Wasiirka Haweenka & Xuquuqda Aadanaha & wafdi ay hogaamineysay oo soo gaaray magaalada London.

2Wasiirka Haweenka & Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye & wafdi heer sare ah oo ay hogaamineysay ayaa waxaa ay soo gaareen magaalada London ee wadanka Ingiriiska. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Wafdiga lasocday Wasiirka Haweenka & Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa kamid ahaa xubno katirsan wasaaradaha xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano kasocday golaha Shacabka, Wasiirada Haweenka & Xuquuqda Aadanaha Maamulada, Galmudug, Jubbaland iyo xubno kasocda Bulshada Rayidka, isla markaana waxaa ay kaqeyb gali doonaan Shirka London Global Simat ee dhowaan kafurmaya magalada London.

Shirkaas oo looga hadli doono xadgudubyada kadhanka ah gaar ahaan Dumarka, isla markaana iyaga dhankooda Soomaali ahaan ay soo bandhigi doonaan qorsha cad oo ay soo gaartay dowlada federaalka Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigii ay hogaamineysay waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalad London kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Ingiriiska oo uu horkacayay Safiirka Somalia u fadhiya UK Mudane Amb. C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

%d bloggers like this: