Masjidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich oo Shalay iyo Maanta Muxadarda Ciwaankeedu yahayMaxaad Geysatay Aakhiro Sh Mahamed Kenyawi.

Sheikh Kenyaawi.jpg3Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyawi oo beryahanba Socdaal ku kala bixinayey qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa soo gaaray dalka Switzerland waxaana shalay iyo maantaba uu ka bixinayey duruus Diini ah Masjidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Sheikh Kenyaawi

Sheekh Kenyaawi waxaa shalay ka bixiyey Masjidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich Muxadaro Ciwaankeedu yahay “Maxaad Geysatay Aakhiro“, waxaana dhageysiga Muxaaradaas ka soo qayb-galay qaybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Kanton Zürich iyo qaar ka mid Kantoonada kale ee dalkan Switzerland.

Intii ay socotay Muxaaradaas waxaa dadkii badnaa ee ka soo qayb-galay ay si taxaddar leh u dhageysanayeen, taas oo dadka laga dareemayey khushuuc, qaar ka mid ah dadkaas way ilmeeynayeen.

Sheikh Kenyaawi.jpg2

Sidoo kale waxaa maanta Masjidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich ku ballaansan Sheekh Kenyaawi iyo Dhallinyarada dàdooda ka hooseyso 30 Sano, si uu Sheekhu u siiyo waano iyo wacyi gelin Diineed

Sh. Kenyaawi wuxuu socdaalka kuso maray Wadamada ay ka mid yihiin Denmark, Norway, Holland, Sweden, Finland, Germany, maantana uu ku sugan yahay dalkan Switzerland.

Safarka uu Sheikha socdaalka ku marayo qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ah mid uu ku faafinayo Dacwad ku saleysan Diinta Islaamka, Sheikha inta uu safarkiisa dacwada ah ku guda jiro waxa uu kula hadlayey dhamaan bulsho-weynta Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada uu socdaalka ku marayey.

Dhanka kale Sheikha wuxuu si gaar ahaaneed xooga u saaray dhalinyarada da’yarta ah ee ku nool wadamada reer Yurub.

Sheekha ayaa Muxaadaradiisa ku soo gabagabeeyey si farxad leh, wuxuuna waqti u waayey inuu ka jawaabo su’aalo dadku doonayeen in Shiikhu uga jawaabo, balse uu Shiikhu ka cudur-daartay.

Sheikh Kenyaawi.jpg1

Si kasta ha ahaatee dadweynihii dhageysanayey Muxaadarada Shiikha ayaa aad ugu riyaaqay Mowduucaan Shiikhu ka hadlay, iyadoona si cilmi ah ay wax badan uga ogaadeen masaa’il waayadan ka taagnaa fagaarayaasha Soomaalida, ugu danbeyntii Sheekhu wuxuu Muxaadaradiisu ku soo gunaanuday Duco dhinac walba saameynaysa.

SomaliSwiss          Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: