Diyaarado Gargaar siday oo maanta gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dayaarad deeqDiyaarado gargaar wada ayaa markii ugu horreeyay gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ka jirto xaaladaha bani’aadamnimo ee aadka u daran.

Gargaarkan oo ay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu qayb ka yahay qorshayaal ay dowladdu gargaar ku gaarsiinayso deegaannadii Al-shabaab laga saaray ee ay xaaladaha bani’aadamnimo ka jirto.

Mas’uul u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay mid hordhac ah oo loogu talogalay dadka aadka u liita ee degmadaas ku nool, balse ay jiraan gaadiid gargaar u wada gobolka Bakool oo haatan ku sugan Baydhabo.

“Laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaan gargaarkan ku gaarsiinay degmada Waajid, waxaana loogu talogalay gargaarkan in lagu badbaadiyo dadka aadka u daran, waxaase jirta gargaar degmadaas dhawaan la gaarsiin doono oo ku sugan degmada Baydhabo ee gobolka Bay,” ayuu yiri mas’uulka u hadlya dowladda.

Degmada Waadjir ayaa waxay ka mid ahay degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday howlgalkii sannadkan billowgiisii ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka socda, iyadoo ka mid noqotay degmooyinkii ay Al-shabaab go’doomisay.

Wararka laga helayo degmada Waadjir ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay uga digtay dadka deegaannada ay ka taliso ee degmadaas ku dhow ku nool ay soo qaataan gargaarkaas, iyagoo ku goodiyay inay ka gudbi doonaan qofkii ay arkaan isagoo gargaarkaas wata.

Ma ahan degmadii ugu horreysay oo dowladdu ay diyaarad ku geysto gargaarka, balse dhawaan ayay ahayd markii diyaarad gargaar wadda ay ka degtay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday.

SomaliSwiss          Huddur
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: