Xildhibaanno ku baaqay in beesha caalamka ay joojiso fara gelinta ay ku hayso dowladda Soomaaliya.

XildhibaanadaXildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa beesha caalamka ugu baaqay in faragelinta ka deyso Hannaanka dowladda Soomaaliya oo hadda ah mid buuxa.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee maanta kulanka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa kulankooda waxa ay ka soo saareen baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka, iyadoo baaqooda uu dabo joogo qoraal ay si wada jir ah uga soo baxay 27-kii bishaan sida la sheegay, Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirkii dastuurka ee dowladdii KMG ahayd Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in dalalka caalamku ay si aad ah Soomaaliya u taageereen, hase ahaatee aan loo baahneyn fara gelinta tooska ah ee xiliyada qaarkood lagu sameynayo hanaanka dowliga ah ee hadda jira, islamarkaana wax walba oo u dhexeeya ee hay’adaha dowladda lagu xalinayo gudaha dalka.

“Sida aad ogsoontihiin intii aan KMG ah ku jirnay ka soo bilaw 2000-2012 wixii khilaaf ah ee jira dibadda ayaa lagu soo xalin jiray, mar haddi aan ka gudubnay KMG-nimada, waxaan u ragnaa warqaddaasi mid fera gelin ah, anagana sidaa aad ogtihiin baarlamaanka ayaa xaliyaym wixii jirana isaga ayaa xalinaya, beesha caalamka waxaan leenahay taageeradiina waad ku mahasantihiin laakiin arrimaha siyaasadda hasoo fara gashanina” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhan kale guddoomiyaha gudiga ganacsiga iyo Warshadaha ee baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo isna kulanka ka hadlaya ayaa xusay in xilligan ay hay’adaha dowladda ee jira, gaar ahaan fulinta iyo sharci dejintu ay awood u leeyihiin in wax walba oo quseeya dowladda ay xaliyaan, islamarkaana aan loo baahneyn sidii horey loo arki jiray ee ah fara gelin ka timaada dhanka beesha caalamka.

Ugu dambeyntii Prof Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in marka loo fiiriyo marxaladihii KMG ahaa ee uu dalku soo maray iyo maanta ay u dhexeyso farqi weyn hanaanka dowladnimo ee dalka ka jirta, loona baahanyahay in beesha caalamku ay ixtiraamto Qaranimada iyo Madax banaaninada Soomaaliya.

Kulanka ay Xildhibaanada ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay si wada jir ah ugu muujiyeen in dowladdu ay xilligan ay awood u leedahay xalinta arrimaha dhexdeeda ah, islamarkaana ay beesha caalamka uga mahadcelinayaan taageerada ay siineyso Soomaaliya, balse aysan ogolaan doonin in la soo fara geliyo arrimaha dalka.

%d bloggers like this: