Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday eedeysanayaashii loo heystay dilkii Nafiso Cusmaan oo aheyd Ardayad Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Maxkamadda ciidamada oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka loo haystay saddexdaasi eedeysane oo kala ah Xasan Salmaan, Shaafici Cabdicasiis iyo Haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa Maxkamadda u gudbisay eedeymaha loo haystay saddexdaasi eedeysane.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali Yarrow ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda ku riday saddexdaasi qof, iyadoo Shaafici Cabdicasiis iyo Xasan Salmaan lagu xakumay dil toogasho ah, halka Deeqo Diraac lagu xakumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.
Shaafici iyo Xasan ayaa 6-4-2014-kii waxa ay Allaha u naxariistee dil bareer ah u geysteen Marxuum Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd gabar ardayad ka qalin jebisay Jaamacadda Soomaaliya ee (UNISO) ee magaalada Muqdisho.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.