Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxaafada ugu baaqay inay dhex-dhexaad noqdaan noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaalka lagula jiro Al-shabaab

Madaxweynaha iyo Beesha CaalamkaMadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaalida looga baahan yahay in ay dhex-dhexaad ka noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo dhawaan la hadlayay guddoomiyeyaal tababar loogu gunaanaday Muqdisho ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida aysan dhex-dhexaad ka ahayn sida ay u tabinayaan wararka dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray “Warbaahinta Soomaalida waxaan ugu baaqayaa inay dhexdhexaad noqdaan marka ay tabinayaan wararka ku saabsan dagaallada lagula jiro Al-shabaab, waxaana ugu baaqayaa inay gacan siiyaan sidii dalkan nabad loogu soo dabbaali lahaa” .

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu ku bogaadinayo saxaafadda sidii ay doorka wanaagsan uga qaateen nabadda iyo sida ay u baahiyeen farriimaha ku saabsan nabadda iyo dulqaadkooda ku aaddan inay shacabkooda u shaqeeyaan mar walba.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in isagoo la socda dhibaatadaas ay xilligan ku shaqeeyaan haddana looga baahan yahay inay nabadda u hiiliyaan ayna dhex-dhexaad ka noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaallada.

Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in looga baahan yahay warbaahinta Soomaalida inay dhex-dhexaad ka noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: