Ciidanka nabadsugada Qaranka oo soo Bandhigtay Meydka Dhagar-qabe katirsanaa Al-Shabaab & Gaari uu watay.

???????????????????????????????Hey’adda nabadsugida Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay gaari noociisu ahaa Toyota NOHA oo ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo iyagu isla maanta dad shacab ah ku toogtay maqaayada Beder ee ka soo horjeedda wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Maleeshiyaadka oo adeegsanayay Qori ah mooca aan la maqal shanqarta rasaasta ka dhaceeysa ayaa odayaal ku toogtay maqaayadda Beder, kadibna waxaa halkaasi ka dabagalay ciidamo ka tirsan hey’adda nabadsugidda,  hase yeeshee maleeshiyaadki ka tirsanaa Shabaab oo isku dayaya iney baxsadaan ayaa gaarigi ay wateen waxa ciidamo ka tirsan nabadsugidu ku qabteen isgoyska Bakaaraha.

Wadihii oo qalqalay ayaa Baalle ku dhuftay gaarigii, kadib markii ciidamada Nabadsugidu ay dhowr jaho rasaas uga soo fureen gaarigaasi, waxaana halkaasi ku geeriyooday dhagar qabihii dadka dilay,  halka wadihii uu baxsaday.

%d bloggers like this: