Ra’iisul Wasaare C/Weli Sheekh Axmed oo si KMG ah u Magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka.

Ra'iisalwasaaraha Sportiga.jpg1Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ugu magacaabay wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in inta uu kasoo magacaabayo xilka wasiirka uu howsha sii wadi doono wasiirka gaashaandhigga, isagoo xusay in wasiirka looga baahan yahay inuu howshan wax ka qabto.

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo is-casilay maalmo ka hor kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday Sabtidii lasoo dhaafay dhismaha xarunta baalamaanka Soomaaliya oo ku dhow madaxtooyada.

Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ay Al-shabaab ku qaadday xaruntaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15-qof oo ay ku jiraan ciidammo Uganda u dhashay oo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka qaaday, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen soddomeeyo qof oo ay ku jiraan afar xildhibaan.

Al-shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadi doonaan weerarka ay la beegsanayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya haddii aysan ka waantoobin howlaha ay ku jiraan oo ay ku sheegeen inay yihiin kuwo ay kaga soo horjeedaan sharciga Alle.

Lama oga wuxuu wasiirka gaashaandhigga oo sii hayn doona xilka wasiirka Amniga Qaranka uu ka qaban doono ammaanka Muqdisho, iyadoo Al-shababa ay wadday tan iyo markii Muqdisho ay ka baxday weerarro argagaxiso.

Is-casilaadda wasiirkii hore ee Amniga Qaranka ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku dhaqaaqo wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku fashilmay howshii loo idmaday, waxaana is-casilaaddan ammaanay madaxweynaha Somalia oo aad ugu dhow yihiin C/kariin Guuleed.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

%d bloggers like this: