Golaha Wasiirada oo ansixiyey guddi madax-banaan oo dib-u-eega dastuurka Dalka.

Golaha Wasiiradda.jpg 4Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa guddi madax-bannaan u saaray dib-u- eegista dastuurka iyo arrimaha la xariira amniga.

Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka ayaa golaha wasiirrada u soo gudbisay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqeyn dheer kaddib waxaa goluhu isku raacay magacaabista guddigan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah:

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xuseen Xaaji

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu in muddo ah ku howlanayd sidii loosoo diyaarin lahaa guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka, isagoo ku ammaanay golaha wasiirrada sida aqlabiyada ah oo ay isugu raaceen ansixinta guddigan oo ay hortaallo shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha Somalia , C/weli Sheekh Axmed oo kulanka shir-guddoomiye ka ahaa ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ansixinta guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin guddi u leh aqoon iyo khibrad u leh shaqada loo magacaabay.

“Tallaabo weyn ayaan u qaadnay dhanka dowladda dhisidda Somalia, waxaana maanta ku guulaysannay in goluhu ansixiyo guddigii dib u eegista dastuurka, waxaana u mahad-celinayaa guddi hoosaadka siyaasadda iyo wasaaradda garsoorka iyo dastuurka oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha guddigan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda amniga ee dalka, waxaana loo xil-saaray gudi hoosaadka amniga inay kusoo diyaariyaan muddo 24 saac gudahood ah hawl-gallo la xiriira dar-dar-gelinta ammaanka Muqdisho.

“Guluhu wuxuu u xil-saaray guddi hoosaadka amniga inay muddo 24 saac ah kusoo diyaariyaan howl-gallo la xiriira dardar-gelinta ammaanka Muqdisho iyo dib-u-eegista qaabka shaqo ee hay’adaha amniga,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambayn, golaha wasiirrada waxay mar labaad ka tacsiyeeyeen weerarkii baarlamaanka iyo dilka sarkaal Turkish ah oo ka shaqaynayey Muqdisho oo ay kooxo hubeysan ku dileen Muqdisho. Waxaana la faray laamaha ammaanka in baaritaan ay ku sameeyaan dilka sarkaalkaas.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: