Gen. Indhaqarshe ”Ciidamadu awoodbey u leeyihiin inay agragaxisada ciribtiraan qaraxii shalayna wax qasaare ah nagama soo gaarin”

indho-qarshoTaliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen.Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda gaashandhiga ayaa kahadlay xaaladda amniga wadanka gaar ahaan howlgallada lagu baacsanayo Argagaxisada Al-Shabaab ee lagu doonayo in dalka inta ka dhiman looga saaro.

Gen.Indhaqarshe ayaa sheegay in ciidamada oo weli ku gudajira howlgalkooda ay ciribtirayaan maleeshiyada Al-Shabaab ee qalalaasaha kawada dalkeena deegaano katirsan isagoo xusay taliyuhu inay ciidanku awood buuxda u leeyihiin soo afjarida kooxdaasi taasoo dhawaan ay ku farxi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada qalabka sida kala shaqeeyaan sidii loo helilahaa xogta cadowga si eysan dhibaato ugu geysan dadka rayidka ah ciidamaduna ay uga hortagaan in dadka Soomaaliyeed la dhibaateeyo

Daahir Aadan Cilmi ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qarax shalay lagula beegsaday inta u dhaxeysa kuliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad iyo xarunta wasaaradda Gaashandhiga isagoo sheegay inuu fashilmay isku daygaasi islamarkaana eysan wax qasaare ah kasoo gaarin taliyaha iyo ciidamadii lasocday oo uu tilmaamay in Argagaxisadu ay isku dayayaan falal amni daro laakin ay ciidamadu ka feejiganyihiin in damaca Argagaxisadu hirgalo.

%d bloggers like this: