Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ka badbaaday Qarax Miino oo maanta lala beegsaday

Taliyaha-ciidanka-xooggaTaliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa ka badbaaday saakay qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa oo noociisu ahaa kuwa aysan xabbaduhu karin.

Halka taliyaha lagula beegsaday Qaraxan ayaa waxay ahayd Warshadda Caanaha ee degmada Hodan, xilli uu kusii jeeday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo xafiiskiisu uu ku yaallo, iyadoo qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

“Saddex gaari oo uu watay taliyaha ciidamadda xoogga dalka ayaa qarax lagula eegtay agagaarka Warshadda Caanaha ee degmada Hodan, ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray taliyaha, balse ilaaladiisa qaarkood ayaa dhaawacmay,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay ruux goobjooge ah.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa haddana waxaa la xusuustaa in qaraxyada noocan oo kale ah oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha dowladda Soomaaliya ay intooda badan sheegato Xarakada Al-shabaab.

Gaadiidka uu taliyuhu watay ayaa waxay ahaayeen saddex gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaadiidka aysan xabbaduhu karin, inkastoo qaraxan uu burbur u geystay muraayadda gaariga, waxaana sidoo kale qaraxa uu haleelay labadii gaari ee ay la socdeen ilaalada gaadiidka.

Ma jiro hadal kasoo baxay taliyaha ciidamada xoogga dalka oo ku saabsan qaraxii saakay lala beegsaday, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo taliyaha lagula beegsado Muqdisho tan iyo markii xilkan loo dhiibay.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSWiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: