Madaxweynaha Soomaaliya oo Tacsiyad u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiya Geeridii Muwaadinka Turkiga ahaa ee lagu dilay Muqdisho.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg6Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, Dowladda iyo shacabka Turkiga iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Saadettin Dongan oo maanta koox bistooladley ah ay ku dileen Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Shirkadda Diyaaradaha ee Turkiga, Dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Saadetin Dongan oo ka mid ahaa shaqaalaha Diyaaradda Turkiga (Turkish Airlines) una jooga Soomaaliya si uu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Aamiin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hey’adaha ammaanka amar ku siiyey inay baaritaan ku sameeyaan dilka. “Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka” ayuu Madaweynuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan, waxaana sarkaalkan oo watay gaari yar lagu toogtay isgoyska KM-4 ee Muqdisho, halkaasoo ah waddo aad u mashquul badan, iyadoo kooxihii dilay ay baxsadeen.

Hay’ado badan oo Turki ah ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ka shaqeeya arrimo kala duwan sida samafalka iyo dib u dhiska dalka, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux Turki ah lagu dhex-toogto Muqdisho tan iyo 2011 markii ay howsha billlaabeen.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSWiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: