Hay’adda UNICEF oo sheegatay in 200,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ay la il-daran yihiin macluul, ayna qarka u saaran yihiin dhimasho

Caruur SoomaaliHay’adda UNICEF ayaa sheegatay in ka badan 200,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5Sano ayaa laga baqdin qabaa inay u dhintaan nafaqo-darro inta uusan sannadkan dhammaan, haddii aan lala gaarin gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo, sida ay sheegtay hay’adda badbaada caruurta UN-ka ee UNICEF.

Hay’addu waxay sheegtay in 15-milyan oo doollar oo keliya ay ka heshay lacago ay horay u dalbatay oo gaarayay 150-milyan oo doollar, taasoo ay doonaysay inay wax ugu qabto xaalado kala duwan oo haysta saddex milayn oo isugu jira haween iyo carruur ku nool dalalka Geeska Afrika.

Afhayeenka UNICEF, Christophe Boulierac oo arrinta ka hadlayey wuxuu yiri: “Lacagtaas haddii aan si dhaqso ah loo helin, UNICEF xitaa hal bil masii wado karto howsha ay hayso,” wuxuuna intaas ku daray: “Somalia 200,000 oo carruur ah oo da’doodu ka hoosayso shan sano ayaa khatar ugu jira dhimasho, haddii aan inta uusan dhammaan sannadkan lala soo gaarin gargaar.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in 50,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay la il-daran yihiin macluul. Iyadoo tani ay imaanayso xilli ay dowladda Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqday in dalka ay ka jirto cunno-yari iyo biyo la’aan.

Ha’yadda UNICEF ayaa waxay 70% ka shaqeysaa bixinta dawooyinka, gargaarka caafimaadka, tallaalka iyo howlo kale oo lagu badbaadinayo caruurta, iyadoo tani ay noqonayso khatartii ugu badnayd ee soo food-saarta carruurta Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Geneva
SomaliSWiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: