Sargaal u shaqeynayey shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Turkish.jpg2Mid kamid ah saraakiisha shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines, ayaa maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka Shirkaddaasi Ali Gen oo la hadlayey wakaaladda Wararka AFP.

Dilka sargaalkan u shaqeynayey shirkadda diyaaraha ee Turkisha Airlines ee Soomaaliya ayaa ka dhacay isgoyska KMG4 ee magaalada Muqdisho, isagoo watay gaarigiisa xiliga uu dilka dhacayey, goob-jooge ayaa sheegay in uu arkayey toogashada hasa yeeshee uusan oggeyn cidda ay ahaayeen raggii dilka geystay isla markaana baxsaday.

Sargaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Saadettin Dongan, waxa uuna shirkadda Turkish Airlines u qaabilsanaa dhinaca ammaanka,  diyaaradda Turkish Airlines ayaa diyaaradda keliyah ee duulimaadyo caalami ah todobaadkii laba mar ka sameysa magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa sheegay in falkan dilka ah ee loo geystay  marxuum Saadettin Dongan  ay u gudbiyeen hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya baaritaannana ay socdaan.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowlaha ugu waa weyn Yurub ee mashaariicda horumarinneed ka wada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo hadda ay si dardar leh magalaada Muqdisho dowladda Turkiga uga waddo mashruuca Iftiiminta caasimadda.

%d bloggers like this: