Waxgaradka Jufooyinka Beesha Abgaal oo si wada jir ah u Taageeray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abgaal 2Shir ballaaran oo uu shir-gudoominaayeen Imaamka Abgaal Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Ugaasba Beeha Wacbuudhan Abgaal, ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabduulle iyo Suldhaanka beesha Waceysle Abgaal, ayna sidoo kale kala qeeyb galeen Ex Xildhibaanii Hore ee baarlamaka,Nabadono,, waxgarad, Culumaa’udiin, ,Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween ayaa lagu qabtay magalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Abgaal 1
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Bedesha curadka u ah Abgaal cusmaan ee Rati Abgaal, ayna ku mideysnaayeen qeeybaha kale ee beesha Abgaal oo aanan cidi ka maqneyn, ayaa waxaa si weeyn loogu jeex jeexay 3 Qodob oo kala ahaa Midnimadda beesha Abgaal Cusmaan iyo Taagerro loo fidiyay laguna muujiyay Cod dheer iyo in baaq deg deg ah loo jeediyo Xubnaha golaha baarlamaanka federaalka ugu jira beesha Abgaal, ayaa waxaa kulankasi ka hadlay Imaamka Beesha Abgaal Cusmaan Imaam Maxamed Yuusf Cali, ugaaska Beesha wacbuudhan, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Suldhaan Maxamed Cabdi Shiddo, kuwaasi oo ugu Horeyn u hambalyeeyay ka soo qeybgalayaasha kulanka iyo cidii soo qabanqaabisay, waxayna sheegeen inay taasi ku abuureyso faraxad weeyn iyo isku kalsoonaan beesha dhaxdeeda, taas oo ka turjumeyso xoojinta iyo walaalnimadda Midnimadda Beesha abgaal cusmaan.

Kulankan oo ahaa mid si aad ah u sareeyay qabanqabadiisa iyo isku dubaridkisa ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xubno iskugu jiray Xildhibano hore xilal uga soo qabtay dalka ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, Ex Xildhibaan Drs Ruqiya Cali Cabdule, Ex Xildhibaan Cabdulaahi Geedi Shadoor, Ex Xildhibaan Xuseen Xabeeb, Ex Xildhibaan Xasan Cali Waranto iyo xubno kale kuwasi oo iyagana sidaas oo kale ku ayiday xubnihii doobabka dhaqan ee ka horeyay, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay waajib muqadas ah ay tahay midnimadda iyo wadajirka beesha Abgaal Cusmaan, madaxweynaha Dawladda federaalka ah ee Soomaliya Xasan Sheikh Maxamudna uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dawladda Soomaliyeed, iyadoo sharcigana uu dhigaayo in uu jagadda madaxtinimadda uu sii haynaayo mudadda u dhiman ee labadda sanno ee soo socota, hadi uu alla Idmo, xiligaa oo ku beegan in uu dalku galiyo doorasho xor ah cidkasta ee daneyneysa madaxtinimada dalkana ay u diyaargarowdo in ay qeyb ka noqoto musharaxiinta xiligaas haddii ladooranaayo iyo hadii kale, balse haatan ay dhinac iska dhiogto in ay ku mashqulsho Mootion aanan loo baahneynin.

DSC_7237

Waxaa kaloo Xubnahaasi ay baaq deg deg ah u jeediyeen Tiradda Xildhibanadda ee beesha Abgaal uga jirta baarlamaanka federaalka ee xiligaan, iyagoo uga digay inay cagaha dhulka sifiican u dhigtaan oo ay ka fogaadaan wax aanan lala wadin wixii ka yimadaana ay mas’uuliyadooda yeelan doonaan, iyagoo xusuusiyay in Xildhibanadasi ay ka soo dhaxbaxeenBeesha Abgaal Cusmaan, duubabka dhaqanka ee beeshana ay ahaayeen kuwii u dhiibay xilka ay maanta haayaan oo ay ku fadhiyaan Xubnaha baarlamaanka, iyagoo u dhaartay in ay dalka iyo dadka si cadaalad ah ugu shaqeynayaan, haddii ay taasi beeneeyaana ay waajib muqadas ajh ka dhigeyso in duubabka dhaqanka ee beesha ay ka qaadankaraan go,aan adag..

Sidoo kale intii lagu guda jiray kulankasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadalay xubno caan ka ah beesha Abgaal dhexdiisa, kuwaasi oo kala ahaa ,Nabadoon, Xasan Macalin, ,Shamsa Cali Maclain,Nabadoon Axmed Muxumed Axmed jowhar,Nabadon,Axmadey kabiiroow,Nabadoon C/raxmaan Axmed Cabdulle, Qaloosh,Nabadoon Maxamed Muuse Maxamed Abooto,Nabadoon,Xuseen Guure Calasoow,Nabadoon Cali Xuseen Xaayoow,Nabadoon,Xaaji Cumar Qoorey,Nabadoon,Axmed Maxamed Kaanti,Nabadoon Cumar Ibrahim Cosoboow,Nabadoon Shire dalfac, iyo xubno kale oo badan, kuwaasi oo kulankasi ka muujiyay sida ay u taageersan yihiin madaxweynaha dawladda federalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo weliba wadajirka iyo midnimadda beesha Abgaal, waxayna sheegeen inay tahay lama taabtaan..

Xubnahaasi iskugu jiray nabadonadda iyo waxgaradka beesha Abgaal ayaa waxay halkaasi ka soo jeediyeen laba qodob oo ay sheegeen inay yihiin Baaq kuna kala socday Xildhibanadda Baarlamaanka federaalka Soomaliya ee ka soo jeedda Goboladda dalka ee ay ka jiraan ismaamul goboleydyadda, iyagoo sheegay inaysan xitaa tagikarin deegaanadii ay ka soo jeedeen ee ay wakiilka u ahaayeen maadaama ay wakiil ka yihiin shacbiga ku dhaqan goboladasi, , balse taas ka sokoow ay Muqdisho kula meereysanayaan wax ay ugu yeereen motion labadii biloodba mar, waxayna uga digeen inay ka waantoobaan wax alla iyo wixii dhalinkara khilaaf iyagoo ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ka hordhaarteen baarlamaanka .

Sidoo kale waxay baaq kaas la mid ah u direen Xildhibanadda Baarlamaanka Federaalka ugu jira beesha Abgaal waxayana uga digeen in ay ka soo noqdaan wadada khaldan ee ay haayaan una dhaga nuglaadaan fariimaha ka soo yeerayay Boqoradii shalay u saxiixay waraaqaha ay kula fadhiyaan kuraasta baarlamaanka dadka iyo dalkana si cadaalad ah ugu shaqeeyaan.

Kulankaasi ayaa ku soo idlaayay isfamah iyo ismarxabeynsiin, waxaana goobta laga shaaciyay inay jiridoonaan kulamo kale oo nuucan ah oo ay yeelandoonto beesha Abgaal, lagana soo saaridoono qodobo muhiim ah ee ku wajahan dalka iyo dadka.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: