Madaxweynaha Puntland: waa in meel looga soo wada jeesto cadowga weeraray Baarlamanka Soomaaliya & D’Jabouti.

GaasMadaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qarax habeen hore ka dhacay maqaayad lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.
Mudane Gaas oo ka hadlayey munaasabaddii caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ee shalay Qardho ka dhacday- ayaa tacsi u diray dadka iyo Dowladda Jabuuti, isagoo sheegay in shacabka iyo maamulka Puntland ay falkaas aad uga xun yihiin.”waxan ka tacsiyeynaynaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay Jabuuti…aad baan uga xunnahay, intii dhimatayna Ilaah ha u naxariisto ayaan leenahay…” ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas oo isla arrintaas ka hadlayaa wuxuu yiri: “cadowgaas tirada badan ee Xamarna ku weeraraya baarlammaanka Jabuutina ku laynaya halkanna dhibta ku haya, waa inaan meel uga soo wada jeensano, anagoo Soomaali ah oo mid ah oo dowladnimo iyo wanaag raadineyna…

“Qaraxii habeen hore ka dhacay magaalada Jabuuti oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 15 qof oo kale.

Mas’uuliyadda weerarkaas ilaa iyo hadda cidi ma sheegan, waxaana saraakiil u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ay sheegeen in uu socdo baaritaan ku aaddan qaabka uu qaraxaasi u dhacay iyo weliba cidda soo abaabushay.

Dalka Jabuuti wuxuu kamid yahay dalalka ay ciidamadu Soomaaliya ka joogaan, ciidamadaas oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, Dowladda Soomaaliyana gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

SomaliSwiss Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: