Dhagarqabe ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay Xalay ciidmada Amaanka toogasho ku dileen.

3Ciidamada amaanka ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen degmada Yaaqshid waxay ku dileen dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyaadka shababa, ayagoo sidoo kale gacanta ku soo dhigay kuwo kale. 

Howlgalkan oo xalay ciidamada nabada sugida iyo kuwa boolisku ay si wada jir ah uga sameeyeen xafaado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah malleeshiyadka Shabaab kaasi oo iska caabin sameyeey waxaa sidoo kale gacanta ay ku soo dhigeen ciidamada mid kale.

Dhagar qabayaashan ayaa falal amnidaro ah ka geysanayay xaafadaha degmadaasi, ayagoo adeegsanayay Bastoolado balsé waxaa ku guuleystay in ay talaabo ka qaadaan ciidanka amaanka.

Ciidamaeda ayaa waxaa ay howlgalkoodi xalay ku balaariyeen qeybo ka mid ah isgoysada iyo xaafado kale oo lagu tuhmayay iney ku dhuumaaleysanayeen dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u waramay Radio Muqdisho kadib markii uu soo geba geboobay howlgalkaasi ayaa faah faahin ka bixyay talaabooyinka amaanka la xiriira oo ay sameeyeen ciidamada amaanka dowlada iyo waxyaabihii lagu soo qabtay isagoo hoosta ka xariiqay in la joogten doono howlgalada lagu xaqiijinayoamaanka degmada

Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay qorshayaal la doonayo in looga hartago falalka amnidarada ah oo ay sameeyaan shaqsiyaad fara ku tiris ah oo ka tirsan argagixisada Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: