Ugaaska Beelweynta Gaaljecel oo ka qeyb galay Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor.

???????????????????????????????Ugaaska Beelweynta Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi Ugaas Muxumad ayaa kamid ahaa Madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qayb galay Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor. HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BADAN

Waxaa maanta si rasmi ah loo caleema-saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo noqonaya Boqorka Beelaha Daarood ee 34-aad taasoo Xafladeeda ay ka dhacday magaaladda Qardho.

Xafladda lagu Caleema-saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadyow aad u fara badan oo isugu jiray Ugaasyo, Issimo, Aqoonyahano, Waxgarad, Cuqaal, SHween, Madax iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadaba.

Ugaaska Beelweynta Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi Ugaas Muxumad ayaa kamid ahaa Madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qayb galay Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor.

Ugaaska C/raxmaan oo kamid ah Ugaasyada ugu faca weyn ee dalka Soomaaliya ayaa ka muuqday Madasha Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

%d bloggers like this: