Qaraxyo Xalay ka dhacay dalka Jabuuti oo geystay waxyeello isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

jabuutiQaraxyo Xalay Ka Dhacay magaalada Jabuuti ayaa ku geeriyootay ilaa 3 qof, garaxyadaas oo ahaa ismiidaamin kana dhacay goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Jabuuti ee xaruunta jamhuuriyda jabuuti.
Sida laagu soo warramay laba qarax oo xalay fiidkii ka dhacay maqaayad ay inta badan ka cunteeyaan dadka ajaanibta ah, waxaana la sheegay iney halkaasi ku geeriyoodeen Sadex ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen kuwii isqarxiyay sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 15 kale.

Maqaayada la weeraray oo lagu magacaabo Plaza Maririk, ayaa wax yar kadib qaraxii hore laga maqlay qarax kaloo xoogan, iyadoo qaraxaasi uu yimid xilli ay isbuurteen dadkii ku sugnaa maqaaxida.

Plaza Miririk oo ku dhow Salaama Bank, Xaruntiisa Magaalada Djibouti, ayaney jirin cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi, laakin dad badan ayaa rumeysan iney ka dambeeyaan argagixisada Shabaab.

Weerarka xalay ka dhacay dalka Jabuuti ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Ururka Al Shabaab ay marar badan ku hanjabeen in ay weeraro ka geysan doonaan dalalka, ay Ciidamadu ka jooggaan Soomaaliya.

SomaliSwiss Jabuuti
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: