Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay mar kale soo kormeeray qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, isagoo tagay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaaso uu kula kulmay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo u badan qurbo-joog ka yimid dalka dibaddiisa. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumar laga gaaray ganacsiga dalka sida dhismaha hoteellada, wuxuuna ganacsatada hoteellada Muqdisho ku yaalla dhisay uga mahadceliyay dadaalkooda, isagoo xusay in dalku uu u baahan yahay.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in magaaladu ay ammaan tahay, waxaana sidoo kale ku faraxsanahay in dad badan oo dibadda kasoo laabtay ay halkan caawa ku fiidanayan. Waxaana u sheegayaa dadka shacabka, gaar ahaan kuwa dibadda ku maqan ee inta badan loo sheego in magaaladu ay cabsi iyo argagax ka jirto inay nabad talay oo ay imaan karaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo saxaafadda kul hadlay hoteelka Jaziira.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilliga la joogo meel lagu faani karo, waxa qabsoomay marka lagu faano ayaa waxa dhimmanna la dhameystiri karaa. Waxaana xaqiijinayaa buu yiri in magaaladu ay sidan nabad u tahay habeen iyo maalin.
“Waddanku wuxuu u baahan yahay dadka abuuri kara nolosha noocan oo kale ah, waxaana kuwa dibadda ku maqan ugu baaqayaa inay dalkooda yimaadaan oo magaalooyinka quruxda badan ee ay ku nool yihiin noloshooda ay halkan keenaan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax ka dhacay hoteelka Jaziira xilli uu deggenaa markii xilka madaxweynnimo ee dalka loo doortay, isagoo sheegay in qaraxaas markii uu dhacay uu go’aansaday inuu ku dhiirrado in dalkiisa uu wax u qabto, isla markaana uusan dhimasho ka baqayn oo uu dhimanayo xilligii Alle ugu talo-galay, balse uu doonayo inuu dhinto isagoo dadlkiisa iyo dadkiisa u adeegaya.
“Qaraxyada ay nimankan sameynayaan ma ahan mid Soomaaliya oo keliya u gaar ah, balse waa mid dunida oo dhan ka dhaca. Marka Soomaaliya la bar-bar-dhigo dalalka la midka ah aad ayay uga roon tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.
Dhanka kale isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in qaraxyadu ay maalin walba dhacayaan, balse haddii ay cararaan ay ku farxayaan kuwa qaraxyada sameynayaa, laakiinse iyagu ay go’aansadeen inaysan ka cararin oo ay ka hor-tagaan.
“Haddii cabsi iyo argagax na galo waa midda ay doonayaan, waxaana ku leennahay nama cabsi-gelin kartaan waana beentiin, dalkan innaga ayaa iska leh waan difaacaynaa waana dhisanaynaa,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu ayaa wuxuu ugu dmbeyntii, sheegay in magaalada amnigeeda ay tusaale u tahay inay gabi ahaanteed nalalkeedu daaran yihiin oo ay ifayso, laamiyada habeenkii waa kuwo gaadiidku buuxiyeen oo meel la maro ma lahan, dukaamaduna way camiran yihiin.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.