Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay yaa caawa ka degay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, halkaasoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen madax katirsan dowlada Koonfur Africa. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay yaa caawa ka degay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, halkaasoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen madax katirsan dowlada Koonfur Africa.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ee dalka Koonfur Africa ayaa waxaa ku wehlinayay wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka diyaaradaha magaaladaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha oo howlo shaqo u jooga halkaasi iyo madax ka tirsan dowladda wadankaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Koonfur Africa u tagay in uu barito ka qeyb galo caleema saarka madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma oo mar kale ku guuleystay in dalkaasi uu madax ka noqdo.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.