Ayadoo loo dabaaldagayo 51 guuradii ka soo wareegtay goortii la aasaasay Midowga Afrika ayaa aradyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara waxaa ay xafladda Hidaha iyo Dhaqanka Afrika ku soo bandhigeen cayaaraha iyo hidaha Dhaqanka Soomaaliyeed, taa oo soo jiidatay indhaha dhammaan ka qeyb galayaashii barnaajika. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo soo agaasintay ka qeyb galka ardayda Soomaaliyeed barnaamijkani ayaa waxaa kala qeyb qaatay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo u qeybsanaha waaxda hidaha iyo dhaqanka Safaaradda, ayagoo aad ugu bogaadiyay ardayda qaabka wanaagsan ay u matalaayaan hidaha iyo dhaqanka dalkooda Hooyo.
Barnaamijkani soo bandhiggaa hidaha iyo dhaqanka dalalka qaaradda Afrika ayaa waxaa sanad weliba lagu qabtaa Dalka Turkiga, ayadoo ay ka wada qeyb qaataan dhammaan DalalkaAfrika ee ardaydooda wax ka barta Dalka Turkiga.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.