Toddobaadka dhaqanka Jaamacadda SIMAD oo lasoo gunaanaday.

simad dhaqanWaxaa maanta Xarunta weyn ee jaamacadda SIMAD lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga toddobaadka dhaqanka ee Jaamacadda oo shan maalmood socday, iyadoo abaalmarinno la gudoonsiiyay dadkii ku guuleystay tar-tamadii dhaqanka iyo cilmiga ee ay ardaydu ku tartameen.

Guddoomiyaha wakaaladda Muslimiinta Afrika, Dr. Xasan Badawi oo hadalka jewdiyay munaasabadda xiritaanka toddobaadka dhaqanka ee jaamacadda SIMAD ayaa soo dhaweeyay in dadka lagu dhiirri-galiyo dhaqankooda.

Mudane C/raxmaan Maxamed wuxuu ugu baaqay maamulka Jaamacadda inay ballaariyaan bandhiggan oo ay ku daraan dhammaan waxyaabaha iyo ficillada astaanta u ah dhaqanka.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ujeeddada loo qabtay bandhiggan toddobaadka socday ee dhaqanka Soomaalida lagu muujinayay ku sheegay in dhallinyarada hal-abuurkooda lasoo saaro iyo inaan la hilmaamin dhaqanka ummadda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha sheegay in toddobaadkan wax badan ay qabteen ardaydu, tartamo ciyaareed iyo kuwa cilmiba ay galeen; iyadoo cidina aysan ku garab-siiin. taas ayuu sheegay inay muujinayso in bulshadu ay soo bandhigi karaan awooddooda iyo aqoontooda iyagoo aan cidna kaalmo uga helin.

Jaamacadda SIMAD waxay abaal-marin lacageed, shahaadooyin, qalab iyo minxooyin waxbarasho oo jaamacadda ah siisay ardaydii kaalimaha labaad iyo saddexaad aad ka galay tartankii Qur’aan akhriska ee wiilasha, iyadoo gabadhii kaalinta koowaad ka gashay tartankii Qur’aan ee gabdhaha la guddoonsiiyay intooda kale.

kulliyadihii ku guuleystay suugaanta, dhaqanka, kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud sida xarig-jiidka iyo orodka ayaa la siiyay abaal-marin lacageed iyo qalab.

Intii ay socotay munaasabaddan xiritaanka bandhigga toddobaadka dhaqanka ayay ardaydu waxay soo jeediyeen gabayo, suuroow, buraanbur iyo ciyaaro dhaqan sida dhaanto. Waa markii afaraad oo ay jaamacaddu qabato bandhig-dhaqameed sidaan oo kale ah.

Munaasabadda ayaa kusoo aaday iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee kala duwanaanshaha dhaqanka oo ku beegan 21-kii bishan May. Qaramada Midoobay ayaa maalinkan aqoonsatay sannadkii 2002-dii.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliWiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: