Advertisements

Qaraxya kale oo caawa ka dhacay magaalada Mombasa.

mombasa-blastsWarar goordhow naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in caawa fiidkii ay halkaasi ka dhaceen laba qarax oo lasheegay in ay ahaayeen nooca bambada gacanta laga tuuro ah.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in goobta ay qaraxyada ka dhaceen ay ku sugnaayeen dadweyne shacab aad u fara badan, kuwaasi oo iyagu joogay gooba ganacsi oo ku yaala wadada hareeraheeda.

Dhinaca kale daqiiqado kadib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamada Booliska Kenya, kuwaasi oo bilaabay howlgallo iyo baaritaano la xariira qaraxyada halkaasi ka dhacay.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in labada qarax ee caawa ka dhacay magaalada Mombasa ay geysteen qasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasha iyo dhaawacyo, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la’eg yahay qasaaraha halkaasi kadhashay ama ay qaraxyadaasi geysteen.

SomaliSwiss Mombasa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: