Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Maanta xilka la wareegay.

Maxkamada CiidamadaMunaasabad ay xilka kula wareegayeen guddoomiyaha cusub ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare  iyo guddoomiyihii hore ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen munaasabadda mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Maxkamada Ciidamada.JPG1

Mas’uuliyiinta xafladda ka qaybgashay ayaa waxaa ka mid ah wasiirrada kala ah: gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, arrimaha gudaha, garsoorka iyo beeraha, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Guddoomiyaha guddiga Qareennada Soomaaliyeed, C/raxmaan Abuukar Macallin oo ugu horreynti munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maxkamaani ay ka mid ah maxkamadaha dastuuriga ah ee awoodaha garsoorka dalkeenna, isagoo tilmaamay in xukunnada maxkamada ay u cuskanayso shareecada Islaamka, isagoo soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay.

Sidoo kale, wuxuuna ballan-qaaday in guddiga Qareennadu dalka ay si hufan ula shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamada ciidamada qalabka.

Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo munaasabadda ka hadlay ayaa iyana ballan-qaaday inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda ciidamada, Col. C/raxmaan Tuuryare.

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda ciidamada, Jen Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab oo haatan ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo ka hadlay goobta ayaa ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee maxkamadu ay soo martay mudadii uu xilka hayay iyo duruufihii ay ku shaqeynayeen xiligaas iyo guulihii la gaaray.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare oo markii uu xilka la wareegay kaddib hadal ka jeediyay munaasabadda wuxuu ku sheegay inuu ballan-qaadayo inusan u jixin-jixi doonin ciddii sharciga ka hor-timaadda, wuxuuna ku baaqay in la ansixiyo sharciga la dagaalanka argagixisada ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Jen. Maxamed Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay wax ka qaban doonto maxkamadda kuwa wata labiska ciidamada ee dhigta isbaarooyinka.

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa si rasmi ah dhawaan u magacabaay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in muddo uu xilkan bannaanaa.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: