Xaafad Casriya oo dhowaan laga dhisayo Degmada Dayniile.

cartavillageXaafad Casriya oo ka koobnaan doonta Guryo deegaan oo heer caalamiya u dhisan, Xarumo caafimaad, Dugsi Hoose-dhexe, Goobo laga Dukaameysto, Maqaayado, Garoon Ciyaareed, Beer nasiino, Barkad Dabaal, Hooso ama (Parking) iyo Derbi ku wareegsan xaafadda oo idil ayaa dhowaan laga hirgelin doonaa meel u dhow degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Shirar todobaadkaan ka dhacayey magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xaafadaan looga dhisayo agagaarka ama meel u dhow degmada Dayniille ee magaalada Muqdisho.

cartavillageXubnaha qorshahaan soo bandhigay oo kala ahaa; Caliqeyr Muxumed Nuur oo ah maalgeliyaha mashruuca, Saciid Nuur Jaamac oo ka socday shirkadda Global Bin Construction oo laga leeyahay dalka Norway iyo Cabdirisaaq Aadan Waasuge oo ka socday xafiiska Salaama Bank ee magaalada Oslo ayaa sheegay in xaafaddani ay ka koobnaan doonto ku dhowaad Boqol (100) guri oo deegaan ah, Xarun caafimaad, Dugsi Hoose-dhexe, Dukaamo & Maqaayado, Garoon Banooni, Barkad dabaal, Beer weyn oo nasiino, hooso ama (parking baabuur) iyo xeyn-daab (derbi) weyn oo ku wareegsanaan doona xaafadda oo idil.

Golaha wada howshaan ayaa sheegeen in dhismaha xaafadda oo qaab muuqaal 3D ah dhowaan loogu soo bandhigi doono, dadweynaha iyo saxaafadda iyo Muuqaalka xaafadaan cusub oo isugu jiri doona Sawiro iyo Videos laga dheehan doono webka xaafadda ee cartavillage.com, sidoo kale Website-yada Soomaalida ee kala ah; SomaliSwisstv.com, SaafiFilms.com, Markacadey.net, Barbaarta.com iyo baraha kale ee internet-ka Soomaalida badankood.

cartavillage conference

 Tani waxay astaan u tahay wejiga Soomaaliyada cusub oo xilligii hore ee colaadaha maalgashan jiray xaafado Carta la mid ah oo laga dhisayo dalalka dibadda sida Carabta iyo dalalka aan deriska nahay ee Afrika.

Si Kastaba ka soo qayb-galayaashii shirarkaan ayaa aad u soo dhoweeyay in Magaalada Muqdisho meel u dhow laga hirgelinayo mashruuc nuucaan oo kale ah, iyagoo muujiyey farxadda iyo niyad wanaaga ay u hayaan in dalkoodii uu ku sii tilaabsanayo horumar cusub iyo maalin gelinta mashaariicda cusub oo nuucaan oo kale ah.

SomaliSwiss Oslo

%d bloggers like this: