Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay ujeedada ka danbeysa Iscasilaada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyay Madaxweynaha oo ay dhawaan in ka badan 130-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan inuu is-casilo.
Mudanayaashan oo tiradooda aad u badnaa ayaa ka wada hadlay, waxayna wadahadalkooda ka soo saareen baxayaan ay uga dalbadeen xildhibaannadii baaqa kasoo saaray Madaxweynaha inay baaqaas ka laabtaan, ayna madaxweynaha talooyin siiyaan.
Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka soo qaban-qaabiyay oo madasha ka hadlay ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen inay ku qanacsan yihiin sii hoggaaminta dalka Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo ku ammaanay isbedello la taaban karo oo muddo yar ku hirgeliyay.
Xildhibaan C/raxmaan Dheere oo ka mid ahaa kuwii ka hadlay shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in taageero ballaaran loo muujiyo dowladda hadda jirta si ay ugu soo gaba-gabeyso howlaheeda muddada xilka uga harsan, isla markaana laga fogaado in taageero la siiyo cadowga dowladda.
Dhanka kale, waxaa kulanka ka hadashay xildhibaanad Aamina Cumar waxayna sheegtay in loo baahan yahay in wax loo qabto dadka tabaaleysan oo aan lagu mashquulin in madaxda dowladda ee waajibkooda shaqo gudanaya la niyad-jabiyo.
Sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ahaa xildhibaannadii mooshinka ka geeyay madaxweynaha Soomaaliya, inuu ka laabtay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ugu baaqayo saaxiibbadiis inay ka laabtaan go’aankooda ayna u ogolaadaan madaxweynaha inuu howshiis sii wato.
Balse arrintan ayaa u muuqata mid laba garab oo iska soo horjeeda u qaybinaysa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibannadii kulanka ka qaybgalay ay intooda badan ahaayeen wasiirro ka tirsan baarlamaanka Somalia.
SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.