Shir ballaaran oo looga hadlayo horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya oo uu ka qeyb galayo wasiirka Boostada iyo Isgaariisnta iyo wakiilo ka socda qeybaha isgaasiinta iyo maamullada dalka qaarkood ayaa maanta ka fumaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Shirkaan oo socon doona saddex maalin waxaa soo qabanqaabiyay bangiga horumarinta Afrika ayadoo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa isla markaana loo horumarin lahaa isgaarsiinta waddanka Soomaaliya.
Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Maxamed Ibraahin Adan oo ka qeyb galaya shirkaas ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Soomaaliya uu muhiimad u leeyahy shirkaani.
Bangiga Adduunka ayaa dhawaan horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya ugu deeqay laba milyan oo dollar.
Markii ugu horreysay ayaa sanadkaan la howl galiyay adeegga Internet-ka ee Fiber Optic ee waddankeena, tallaabadaasi waxay kaalin wanaagsan ka qaadan doonta horumarka isgaarsiinta Soomaaliya.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.