Ra’isal waaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sagootiyay laba ciyaaryahan oo Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya tartanka labaad ee ciyaaraha dhallinyarada Afrika oo lagu qabanayo dalka Botoswana. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Maryama Nuux Muuse iyo Axmed Xuseen Xasan ayaa Soomaaliya ku matali doona ciyaarahaas ayagoo orodka 800 iyo 1500 ee meter ku tartami doono.
Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khaalid Cali Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu laabanayso dhammaan tartamada ciyaaraha ee caalamka, ayadoo laga rajo qabo inay natiijooyin wax ku ool ah ay gaaraan ciyaartoyada meteleysa.
Xoghayaha xiriirka ciyaaraha Soomaaliyeed ee GOS Duraan Axmed Faarax ayaa kulankii sagootinta ka sheegay in tartanka ay ka qeyb galayaan ciyartoydan Soomaaliyeed uu 21-ka bishaan ka furmi doono waddanka Botoswaana.
R/wasaare Cabdiwali ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan guddiga GOS ee soo diyaariyay dhallinyaradaan si ay uga qeyb galaan tartan ay ku matalayaan dalkeena, wuxuu tartameyaasha ku booriyay inay dadaal badan sameeyaan si ay natiijo wax ku ool uga gaaraan ciyaarahaas, taas oo magic siin doonta waddanka oo dhan.
R/wasaaraha ayaa ku baaqay in sida ugu degdegta badan la qabto tartankii ciyaaraha gobollada ee kubadda cagta, taas oo uu sheegay inuu wax badan ka tari doono is-dhexgalka bulshada iyo nabadda.
SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.