Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda dowladda Turkiga gaar ahaan Guddiga Xiriirka Saaxiibtinimada Barlamaannada Turkiga iyo Soomaaliya.
Iyadoo kulankaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka, safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo xubnaha gudiga saaxiibtinimada baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo kulanka uu ahaa mid qado sharaf ah, uu guddoomiyaha baarlamaanka u sameeyay xubanah labada gudi.
Kulanka ayaa markii uu soo dhammaaday, kaddib waxaa warbaahinta qaranka la hadashay Guddoomiye ku-xigeenka gudigga saaxiibtinimada baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Sacdiyo Careys Ciise waxaana ay sheegay in kulanka uu ahaa mid isbarasho ah, islamarkaana ay ku kala warqaadanayeen labada gudi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Max’ed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa isla maanta ka qayb-galay kulan guddiga u qaabilsan baarlamaanka dastuurka iyo higsiga doorashooyinka 2016-ka uu ay ku dooranayeen guddoomiye ku xigeen ayaa hadal uu ka jeediyay wuxuu ku sheegay in xilliga dowladda ay ka harsan tahay 13-bilood oo keliya.
Prof. Jawaari ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, isagoo xusay inay ka fududeysay howlo badan oo u yaalla, gaar ahaan howlaha loo igmaday guddigan, isagoo ku dhiirri-geliyay inay dadaal u galaan sidii sannadka 2016-ka ay dalka u gaarsiin lahaayeen doorasho xor ah.
Guddoomiyaha guddiga dastuurka ayaa loo doortay xildhibaan, Cabdi Cali Xasan oo horay u ahaa wasiir-u-dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, halka guddoomiye ku xigeenkana loo doortay, Cilmi Maxamed Nuur.
Xildhibaanka loo doortay guddoomiyaha guddigan oo doorashada kaddib hadal jeediyay ayaa ka codsaday in lala shaqeeyo guddiga si baarlamaanku uu ugu guuleysto inuu wax-ka-qabto dastuurka qabyada ah ee dalka iyo sidii ay u soo diyaarin lahaayeen doorasho dalka laga hirgeliyo sannadka 2016-ka.
“Waxaa codsanayaa in guddiga lagala shaqeeyo sidii uu sannadka 2016-ka dalka u gaarsiin lahaa doorasho xor ah, guddigan wuxuu aasaas u yahay himilooyinka la higsanayo sidii lagu gaari lahaa. Shaqada inteeda badan inaan dhabarka u ridanno ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga dastuurka loo doortay.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa isna kula dardaarmay guddiga iyo hoggaankiisa inay gutaanka waajibaadkooda shaqo si loo gaaro in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo xilliga soo socda.
“Waxaa la idinka sugayaa inaad daraasad iyo cilmi-baaris ku sameysaan sidii dalkan ka hor sannadka 2016-ka uu ku gaari lahaa doorasho iyadoo tusaalooyin laga dhiganayo doorashooyinkii ka dhacay Somaliland iyo Puntland, howsha ugu horreysa ee aad qabanaysaanna waxaa ka mid ah nidaamka doorashooyinka Soomaaliya iyo sida lagu fidin karo, inaad soo saartaan shuruucda doorashada,” ayuu yiri Jawaari.
Isagoo ka hadlayay waqtiga dowladda u darsan ayuu Prof. Jawaari mar kale yiri: ”Xilliga u harsan dowladda ma ahan laba sano ee waa 13-bilood, waxaa nagala rabaa inaan muddadaas shaqo badan ku qabanno iyo in waqtigaas ka hor dalka gaarsiino doorasho xor ah.”
Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay guddiga in laga billaabo maanta ay hirgelinta howlahooda u istaagaan, isla markaana ay ugu horreyn dejiyaan shuruucda doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka. Isagoo xusay in xukuumadda ay ka tala-gelin doonaan guddiga wadajirka ah ee la sameeynayo, isla markaana ay la tashi la sameyn doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo maamulada gobollada.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in sannadka 2016-ka dalka dalkan ka dhacdo doorasho xor ah, iyadoo tani ay qayb ka tahay howlaha arrintaas salka ku haya.
SomaliSwiss   Muqdisho
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.