Madaafiic khasaare nafeed geystay oo xalay ku dhacay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

somalia_morterDegmada Boondheere ee G/Banaadir ayaa xalay ku dhacay Madaafiic khasaare nafeed geystay, waxaana ugu yaraan ku dhintay hal qof, afar kalena way ku dhaawacmeen madaafiicdaas, kuwaas oo aan la ogeyn cidda ka dambeysa.

Guddoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim Cabdullaahi ayaa sheegay in laba hoobiye ay kusoo dhaceen degmada xalay ayna khasaare nafeed geysteen, isagoo xusay in madaafiicadaas laga soo tuuray xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha degmada Boondheer oo ka bixinayay sharraxaad madaafiicda khasaaraha geysatay wuxuu yiri: “Hoobiyeyaal ayaa xalay kusoo dhacay degmada, kii koowaad wuxuu ku dhacay meel ku dhow isgoyska Maana-boolyo, halkaasoo uu ku dhaawacay afar qof oo lab aka mid ah ay ahaayeen carrruur iyo laba gabdhood oo dhallinyaro ah, hoobiyihii labaad wuxuu kusoo dhacay albaabka dhismaha wasaaraddii arrimaha gudaha hal qof oo dumar ayuuna ku dilay”.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay duqeymahaas inay mas’uul ka tahay, iyadoo aysan ahayn markii uu horreysay oo xilli habeen ah hoobiyeyaal lagu garaaco magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Kaaraan.oo ka hadlay arrintaa wuxuu yiri: “Baaritaanno aan sameynay waxaan ku ogaannay in hoobiyeyaashan laga soo tuuray xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in looga hortago in duqeymahaas oo kale ay mar kale soo noqdaan”.

Dhanka kale, iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa isaguna xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Balse goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu billowday kaddib markii xoogagga taabacsan Al-shabaab ay weerareen saldhigga iyo bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa markii uu xilka la wareegayay wuxuu sheegay inuu ahmiyadda koowaad siin doono ammaanka, isagoo xusay inuu dadaal u geli doono sidii magaalada Muqdisho ay u noqon lahayd goob ammaan uu ka jiro.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: