Xaflad lagu taageerayay wax qabadka dowlada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Den-Haag ee dalka Holand.

Screen-Shot-2014-05-19-at-3.38.54-PMXaflad si her sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageeraayey Waxqabadka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Magaaladda Den Haag ee Wadanka Holland,iyadoona Xafladasi ay ka soo qeybgaleen Waxgarad Culumaa’udiin,Aqoonyahano ,Siyaasiyiin ,Haween,dhalinyaro oo dhamaantood si weyn u taageersan dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Xafladan lagu taageeraayeyey dowlada Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Gabdho soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo si weyn u taageera Dowladda Soomaaliya,waxaana xafladasi intii ay socotay ka hadlay qaar kamid ah dadkii lagu casuumay xafladda oo sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo dowladnimada oo aan dib loogu laabanin dhibaatooyinkii dalka uu soo maray.

Ruqiyo Cadow oo kamid ah dadkii Xaflada ka hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya in ay codsigooda ku aadan in uu Madaxweynaha is-casilo ay ka laabtaan ayna  fiiriyaan danta ummadda Soomaaliyeed ,si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagato.

Sahro ilkacase, Salaado Cali MaamilIin ,Guure,iyo Cali yaxye oo iyana intii ay socotay Xafladda khudbado qiimo leh ka soo jeediyey ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in la samatabixiyo ummadda soomaaliyeed oo aan hada dib loogu celinin dhibaatooyinkii  ay Soo mareen ,iyagoona sidoo kale ka codsaday Ummadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay taageeraan dowladda Soomaaliya,waxaana Madaxweyene Xasan Shiikh ay ku tilmaameen halyeey Wax badan u qabatay shacabkaSoomaaliyeed una qaban doono.

Qaban qaabiyaasha xafladda ayaa oo kala ahaa Cambaro Makaraan ,Saalaxo Maxamed Baare,Sacdiyo Cali Cisman,Subeyda Cali Cisman ,Safiya Cadley,Sakariye Xuseen ,Xaawo Ciise Ganaweyne ,Karama Axmed Naaji iyo khadiijo ayaa si mudadawacnimo ah isugu howlay qabsoomidda Xafladan lagu taageeraayay dowladda Soomaaliya.

Inii ay socotay xafladda ayaa waxaa qadka Talefoonka iyagoo Muqdisho ku sugan uga qeyb galay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan iyo ,wasiiru dowlaha Maaliyada  C/laahi Maxmaed Nuur oo si weyn ugu mahadceliyey dadka Soomaaliyeed ee Holland Degan sida ay u taageersanyihiin dowladooda Soomaaliyeed, iyagoona sheegay in dowladda ay si weyn ugu howlantahay soo celinta nabadgalyada dalka.

Xafalada waxaa heeso wadaniyad xambaarsan ku soo bandhigay Fanaanka weyn ee soomaaliyeed Maxamed Weeroow, iyadoona goobta buraanbur wadaniyad ka hadalaya ay ka qaaday Abwaanad Jawaahir.

%d bloggers like this: