WAR_MURTYEED: Dowladaha Somalia & Iran oo Heshiis Muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Somalia iyo IiraanDowladda Federalka Somalia ayaa soo dhaweysay qorshe ay dowladda Iiraan ku tababarayso shaqaalaha dowladda ee ku sugan caasimadda, kaddib kulan muhiim ah oo dhex-maray mas’uuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.

Mr. Javad Dehghan oo ah safiirka dowladda Iiraan ee ee Soomaaliya wuxuu:“Iiraan waxa ay xiriir dheer oo walaaltinimo iyo mid saaxiibtinimo ahba ay la leedahay Somaliya ,waxaana naga go’an in aan xoojinno xiriirkas,” ayuu yiri .

Sidoo kale War-muirtiyeed ka so baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya  ayaa lagu sheegay in uu jiro heshiisyo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Iran ,waxaana dhinacyada kulmay ay isla soo hadal qaaden arimo ku aadan horumarinta xiriirrada labada dowladood..

“Dowladdayda waxa ay kaalin muhiim ka qaadan doontaa maal-gashiga iyo waliba dib u dhiska Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku daray Javad oo xusay in ay bilaabi doonaan tababaro la siinayo shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan siyaasiyiinta dalka.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa ammaanay kaalmada ay dowladda Iran ballan qaadday ,isagoo tilmaamay in seddexdii sano ee la soo dhaafay si guul ah dalka looga hir-galiyay mashaariic horumarineed.

Heshiiskan oo muhim u ah dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la sii ballaariyo ,iyada oo ay ka faa’idaysan doonaan shaqaale badan oo dowlada ka tirsan ,kuwaasi oo u baahnaa in dhinacyo badan laga taageero.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: