Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalay soo kormeeray qaar ka mid ah Saldhigyada Booliiska ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Kormeer.jpg5Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kormeeray ciidamada amaanka ee ka howlgala xaafadaha degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Madaxweynaha Kormeer.jpg6

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa waxa uu ugu kuurgalayey sida ay u howlgalaan ciidammada amniga xilliga habeenka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa waxa uu ka bilbaabay saldhigga Bari ee degmada C/casiis, halkaas ayuu madaxweynuhu ugu tagay saraakiil ka tirsan Booliiska iyo madaxda maamulka degmadaasi, iyadoo ciidammada iyo qaar ka mid ah saraakiishana waqtigaasi ay ku maqnaayeen howlgal degmada C/casiis dhexdeeda ah,

Intii uu madaxweynuhu joogay saldhiga Bari ayaa waxa uu xog wareystay saraakiisha saldhiga, waxeyna faahfaahin ka siiyeen xaaladda ciidammada iyo guud ahaan amniga degamdaasi, wuxuuna uga mahadceliyey dadaalkooda ku aaddan sid ay u dhowrayaan amniga shacabka.

Madaxweynaha Kormeer.jpg9

Madaxweynaha ayaa uga sii gudbay halkaasi degmada Kaaraan, isagoo sii maray waddooyin dhowr ah waxa uuna gaaray Madaxweynaha Saldhigga degmada Kaaraan, waxa uuna su’aalo kala duwan oo la xiriirra sida ay u shaqeeyaan ciidammada Booliska weydiiyay saraakiisha saldhigga ku sugnaa, iyagoo ku warbixiyay in ciidammada ay si joogta ah kormeer uga sameeyaan dhammaan xaafadaha degmada, shacabkana ay ka helaan wada shaqeyn wanaagsan.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tagay Saldhigga degmada Waaberi, isagoo soo idha indheeyey qeybaha saldhigga mar kalena su’aalo weydiiyey taliyhii saldhigga, waxa uuna ugu dambeyn ku dhiirageliyey in ay sii laba jibaaraan ilaalinta amniga, shacabka.

Madaxweynaha Kormeer.jpg4Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay Lug ku soo maray waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, waxa uuna halkaasi kula kulmay dad Soomaaliyeed oo saqdii dhexe ku sugnaa goobahooda Ganacsiga, kuwaas oo si weyn u muujiyey farxadda la xiriirtay in ay la kulmaan madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dhowr meel oo Ganacsi gudaha u galay, kana wareystay dadka ganacsanaya xaaladda ammaanka iyo sida ay ciidammada ula dhaqmaan, isagoo sheegay in waqtigan sababta ay u soo gaareen ay tahay amniga oo ay isku haleyn karaan, madaxweynaha ayaa wadada Maka Al-Mukarama kula kulmay wasiir ku xiggeenka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo xiligaasi howllo shaqo ku guda jiray.

Kormeerka madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu dhiiragelinayay dadaalka iyo howlgallada ciidammada amniga dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: