Kooxo hubeysan oo xalay ku toogtay taliyihii hore ee saldhigga booliiska degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

balcad1Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ayaa xalay ku toogtay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa taliyihii hore ee saldhigga booliiska degmadaas iyo ruux ka ganacsan jiray hilibka.

Degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, Goobjooge ku sugan degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay in dilka labadan ruux uu dhacay xalay fiidkii ayna geysteen dhalilnyaro bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo ay u suurogashay dilka kaddib inay baxsadaan.

Goobjoogahan oo sababo ammaan awgiis u qariyay magaciisa ayaa wuxuu yiri: “Mid ka mid ah labada qof ee la dilay wuxuu ahaan jiray taliyaha saldhigga booliiska degmada, kan kalena wuxuu ahaa ruux ka ganacsada hilibka oo si weyn looga yaqaan degmada, waxaana geystay kooxo bastoolado watay”.

Dhanka kale, dhacdadan ayaa wax laga weydiiyay Saraakiisha maamulka degmada Balcad, waxayna sheegay in dilalku ay dhaceen, ayna geysteen kooxo aan hayb ahaan la aqoon, balse aya wadaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan.

Degmooyinka ay howlgalladu ka socdaan ee Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana goobaha ay baaritaannadani ka socdaan ka mid ah xaafadaha Baar-Ubax, Black Sea, Al-bakara iyo waddada warshadaha.

Sida ay ka warbixiyeen Goobjoogayaal ku sugan xaafadahaas ayaa sheegay inay ku arkayeen barxado waaweyn oo xaafadahaas ku yaalla dad badan oo lasoo ururiyay, iyadoo ciidamadu ay xalay gellinkii dambe galeen xaafadaha ay ka wadaan baaritaannada.

SomaliSwiss           Balcad
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: